Shirka Dowladda Federaalka iyo D/goboleedyada oo maanta Muqdisho ka furmaya

Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa maanta lagu wadaa inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho, si ay uga qaybgalaan shirka wadatashiga ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xalay isugu yeeray.

Madaxweynaha ayaa Madaxda Dowladda Federaalka iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ugu yeeray inay ka soo qaybgalaan shirka wadatashiga, oo maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa saqdii dhexe ee xalay war ka soo baxay Madaxtooyada ku sheegay in shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka uu socon doono 18-ka illaa 19-ka ee bishan.

Warka ayaa lagu yiri “Shirkan wadatashiga ah waxaa saldhig u ah talo soo jeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqangelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya.”

Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa markale ka doodi doono qodobada kala ah arrinta Gobolka Gedo, cidda magacaabeysa Guddiga Doorashooyinka ee soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka imaanaya Gobolada Waqooyi iyo xal u helidda doodda ka dhalatay Guddiga Doorashada ee Heer Federaal.

Beesha Caalamka ayaa kordhisay cadaadiska ay Madaxda Soomaalida ku saareyso xal ka gaaridda khilaafka ku gadaaman geedi-socodka hannaanka doorashooyinka ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com