Tirada dadka COVID-19 ugu dhimanaya Muqdisho oo kordheysa

Wasaaradda Caafimaadka ayaa diiwaangelisay xaalado kaloo dhimasho ah, oo ka dhashay xanuunka COVID-19 oo dalka ku soo laba kacleeyay.

Toddobo qof ayaa xanuunka ugu geeriyooday Isbitaalka Martini ee Magaalada Muqdisho, afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay, sida ku cad jadwalka maalinlaha ee Wasaaradda Caafimaadka.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisay in ay diiwaangelisay 132 xaaladood oo cusub, kuwaa oo dhammaantood laga diiwaangeliyay Magaalada Muqdisho.

Dadka xanuunka laga helay 83 ka mid ah waxaa weeye rag, halka 49 kalena ay haween yihiin, iyadoo tirada guud ee dalka laga diiwaangeliyay ay tahay 5,632, waxaana ka bogsatay 3,757 qof.

Tirada guud xaaladaha dhimashada ee COVID-19 ka dhashay, dalka oo dhana laga diiwaangeliyay ayaa ah 179 qof.

Isbitaalka Martini oo ah halka ay Dowladda Federaalka u asteysay in bukaanada lagula tacaalo ayaa waxaa toddobaadkan la seexiyay boqolaal qof, iyadoona uu isbitaalkaasi qarka u saaran yahay inuu buux-dhaafsho, waana xilli uu aad u hooseeyo adeegga caafimaad ee isbitaalkaasi uu bixiyo.

Soo laba kacleynta xanuunka saf-marka ah ayaa si weyn u saameeyay Magaalada Muqdisho, marka aad eegto magaalooyinka kale ee dalka.

Xanuunka dilaaga COVID-19 ee fayriska Corona uu keeno malahan dawo rasmi ah, ka hortag ayuuse leeyahay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com