Ciidamada Dowladda Somaliya ayaa goor dambe oo caawa ahayd weeraray Hotel Maa’ida ee Magaalada Muqdisho, oo ay degan yihiin Madaxweyne-yaashii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno kale oo ka tirsan Midowga Musharaxiinta.
Dagaalka ayaa bilowday, ka dib markii Ciidamada Dowladda ay weerareen ciidan taabacsan Midowga Musharaxiinta oo ku sugan aagga Taalada Daljirka Dahsoon, halkaaso uu Hotel Maa’ida (Ex Naasa Hablood 2) ku yaalo.
Dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan leesku adeegsaday ayaa qalqal ku abuuray bulshada ku dhaqan Degmooyinka Boondheere, Shangaani, Xamar Weyne, Warta Nabadda iyo degmooyinka kale ee ku dhow dhow.
Dagaalka ayaa si iskiis ah u joogsaday, waxayna labada dhinac ku kala sugan yihiin Taalada Daljirka Dahsoon iyo Isgoyska Jubba ee Degmada Boondheere.

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa ah mid kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dhinacyadu ay markale wada dagaalamaan.
Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay in uu bixiyay amarka lagu soo weeraray.
“Waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddeynayaa in weerar gardarro ah ay nagu soo qaaday dowladda, iyagoo ku soo duulay Hotelka Maa’ida, oo aniga, Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka mid ah Midowga Murashaxiinta aan deganahay. Weerarka waxaa amray Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Farmaajo, isagoo doonaya in uu na caburiyo. Xoogna uu ku muquuniyo shacbiga Soomaaliyeed ee doonaayo in aragtidooda udhiibtaan si nabad ah.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna yiri “Ciidanka Dowladda ayaa weerar ku soo qaaday Hotel Maa’ida, oo aan ku sugannahay aniga iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Ahmed.”
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo dhacdadaasi ka hadlay ayaa yiri “Weerarka lagu qaaday Hotel Maa’ida oo ay degan yihiin labada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, waa dulmi iyo gardaro cad oo uu soo qaaday taliska xilkiisu dhacay ee ina Farmaajo. Waxaan ugu baaqayaa shacabka Muqdisho in ay dulmiga iska daafacaan.”
Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya ahna Musharax Madaxweyne ayaa dhankiisa waxaa uu yiri “Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqayaa inay adkeeyaan midnimadooda bulsho, ayna si wadajir ah meel uga soo wada jeestaan xukunka ku dhisan kali-talisnimada ee dhaxalkiisa aan horey u soo aragnay.”
Dowladda Federaalka ayaan iyadu ka hadlin weerarka ay ciidamadeeda ku qaadeen Maa’ida Hotel.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com