Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Muqdisho iyo wadooyinka oo xiran

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka ay xiran yihiin wadooyinka magaalada, ka dib markii dowladdu ay xalay ciidamo ku soo daadisay.

Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa tan iyo xalay lagu arkayaa isgoysyada waaweyn ee Magaalada Muqdisho.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in ciidamada ay gaadiidkooda dagaalka ku gooyeen wadooyinka, isla-markaana ay u diidayaan inay adeegsaaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kale ee gaarka loo leeyahay. Wadooyinka ayaa waxaa adeegsan kara oo keliya gaadiidka ciidamada iyo kuwa Masuuliyiinta Dowladda.

Dhaqdhaqaaqa magaalada ayaa saaka ah mid xadidan, inkastoo ay maanta maalin Jamco ahi tahay, dadkuna ay shaqooyinka ka nasanayaan.

Dowladda Federaalka ayaa lagu dhaliilay in ay isku dayeyso inay ka hortagto bannaanbaxa maanta lagu wado in uu ka dhaco Taalada Daljirka Dahsoon.

Midowga Musharaxiinta ayaa saqdii dhexe ee xalay ku celiyay inay qaban doonaan bannaanbaxoodan, oo ay Villa Somalia kaga dalbanayaan in dalka uu doorasho aado, maadaama uu dhamamaday muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhanka kale xaaladda magaalada ayaa saaka ah mid degan, ka dib dagaalkii xalay Taalada Daljirka Dahsoon ku dhex maray Ciidamada Dowladda iyo ciidanka Midowga Musharaxiinta.

Bulshada ku dhaqan magaalada ayaa hadalhaysa dagaalkaasi iyo waxa xiggi kara.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com