Xoogaga PSF oo dardar ku wada hawlgalada Gobolka Bari

Ciidanka ammaanka ee PSF-ta Puntland ayaa weli wada hawlgalada amni xaqiijinta ee labada toddobaad ka hor ka bilaabeen Buuraleyda Gobolka Bari.

Ciidamada ayaa maanta hawlgal ka sameeyay tuulooyinka Ceel Kharaar, Dameer, Ceel Cadayle iyo Xamur ee Buuraha Cal Madow.

“Ciidamada PSF oo weli wada hawlgalada sifeynta ee ka dhanka ah Shabaabka miinooyinka geliya wadada u dhexaysa Sugure, Balikhadar iyo Galgala ayaa ciidamada iyaga oo ka duulaya xog ay ka heleen dadka deegaanka waxay maanta 20 February, 2021 hawlgalo ka sameeyeen deegaanada Ceel Kharaar, Dameer, Ceel Cadayle iyo Xamur ee Buuraha Cal Madow.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska PSF.

Warka laguma sheegin cid lagu soo qabqabtay hawlgalka amaba wax miinooyin ah, oo ay ciidamada ku fashiliyeen, intii ay hawlgalkaasi ku guda jireen.

Arbacadii ayay ahayd markii ciidamadu fashiliyeen qaraxyo lagu diyaarinayay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com