Dowladda oo darseysa khasaaraha rayidka ee dhacdadii Garoonka Aadan Cadde

Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in ay si caadiya u socdaan hawlihii shaqo ee Garoonka Aadan Cadde, ka dib dhacdadii shalay.

Garoonka ayaa waxaa Jimcihii ku dhacay rasaastii lagu kala eryay dadkii bannaanbaxa ku marayay wadada u dhaxeyso Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo Isgoyska KM4.

Wasiirka ayaa tilmaamay in wax uu ku soo dhacay agagaarka Garoonka Aadan Cadde, isagoo aan faah faahin waxaasi waxa uu yahay, balse uu khasaaro ka soo gaaray goobo ganacsi oo dad rayid ahi, ay halkaasi ku leeyihiin.

“Shalay wax ayaa ku soo dhacay meel garoonka agtiisa ah, dhawr dukaan oo meesha ku yaalay ayaa ku gubtay, khasaaro dhaqaalana uu ka yimid, laakiin arrintaasi waa arrin amni, oo aan doonayo inaan u dhaafo Wasaaradda Amniga.” Ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay BBC.

Wasiirka ayaa ku waramaya inaanay dhacdadaasi wax saamayn ahi ku yeelan shaqada garoonka ugu mashquulka badan dalka.

“Waxaasi wax shaqo ku lahaa garoonka ama shaqada garoonka hakad-geliyay ama xaalad deg deg ah wax geliyay garoonka ma’ahayn.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiir Oomaar oo la weydiiyay waxa ay u qabanayaan dadkii rayidka ee hantidooda halkaasi ku burburtay ayaa xusay in ay marka hore darsayaan, wixii dowlad ahaan u qaban karaana ay u qaban doonaan.

“Arrintaasi hadda inaan ka hadalno waa horudhac, Insha’Allah Wasaaradda iyo inta ay khuseyso waa ka fariisan doonaan, ayagoo la shaqeynaya dhammaan hay’adaha ay khuseyso iyo dadkii ay dhibaatada soo gaartay. Haddii Ilaahay ka raali noqdo koley wixii aan ka gaysan karno oo dhinaca dowladda ah waan ka gaysanaynaa.” Ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Xasan Cali Khayre oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in hub culus oo loo adeegsaday, si loo kala eryo bannaanbaxayaasha ay gudaha ugu dhaceen Garoonka Aadan Cadde, isla-markaana ay sababeen in garoonkaasi uu gubto.

Dhacdadaasi ayaa sababtay in duulimaadyo imaan lahaa Magaalada Muqdisho la baajiyo, sida uu qirayba Wasiir Oomaar.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com