Jubbaland oo wa-xoogaa cago jiid ka muujisay shirka Muqdisho

Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa walaac ka muujiyay xaaladda Magaalada Muqdisho, ka dib isku dhacyadii ku dhex maray Ciidamada Dowladda iyo ilaalada Midowga Musharaxiinta.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay si khalafsan ula dhaqantay dhinacyada mucaaradka, bedelkii laga doonayay sida uu yiri inay dhageysto waxa ay ka cabanayaan.

Mar uu ka hadlayay shirka ay magaalada ku leeyihiin Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayuu sheegay in Jubbaland ay dhankeeda ka qaybgeli doonto, balse ay marka hore qiimayn doonto xaaladda magaalada.

Isagoo la hadlayay BBC ayuuna yiri “Guddiga Farsamada soo jeedintii ay soo jeediyeen inta dib looga fariisto oo hoggaamiye-yaasha is arkaan, dhammaan musharaxiinta iyo cid walba in lees qanciyo oo markaa doorasho lagu wada kalsoon yahay loo dhaqaaqo weeye xalka Somaliya.”

“Meel kasta oo shirka lagu qabanayo Jubbaland diyaar bay u tahay, soo jeedintii ugu dambeysayna waxay ahayd in Muqdisho lagu qabto, maadaama Beesha Caalamka, hoggaamiye-yaasha iyo saamileyda siyaasadana ay ku dhan yihiin, welina tii baan ku taaganahay.”

“Shirka waan u diyaarsanayn inaan ka qaybgalno, oo waa tii ay wax dhaceen, magaalada xaaladeeda waad la socotaan, dib baan u qiimeyneynaa, laakiin mar walba waan ka qaybgaleynaa, sababtoo ah xal kale oo ka wanaagsan in leesku taggo oo la wadahadlo, la fariisto oo Somaliya arrimaheeda xalisato, si aysan dib ugu noqonin, qaranimadeeda meesha uga bixin xal kaloo ka wanaagsan oo ku bedelan lahayn ma jirto, sidaas darteed waan tageynaa.”

“Berritaa go’aan ka gaari doonnaa sida ay xaaladdu noqon doonto, waxaana qiimeyneynaa xaaladda magaalada ka jirto.”

Madaxda Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, halka Madaxweyne-yaasha, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland aanay weli soo gaarin.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com