Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Maqribkii ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo xubno kale oo ka tirsan Labada Gole ee Maamulka Galmudug.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu yiri “Socdaalka Madaxweynaha ayaa la xiriira xal u helidda arrimaha doorashooyinka ee dalka.”

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ku biiraya Madaxda Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle oo Khamiistii iyo Jimcihii soo kala gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana illaa berrito la fillayaa inay magaalada soo gaaraan Madaxweyne-yaasha Jubbaland iyo Puntland.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Federaalka ayaa shir looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee dalka ku leh Caasimadda Muqdisho, inkastoo uu shirkaasi dib uga dhacay muddadii uu iclaamiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirka oo laba cisho socon doono ayaa lagu waday in uu magaalada ka furmo 18-kii bishan oo Khamiistii ku beegneyd.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com