Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Somaliya, kana mid ah Golaha Midowga Musharaxiinta.
Madaxweynaha Hirshabelle ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu ku sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud uu ku booqday hoygiisa.
“Waxaan maanta hoygiisa Magaalada Muqdisho aan ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.” Ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle oo aan faah faahin waxyaabihii ay ka wadahadleen.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wadahadleen xaaladda siyaasadda ee dalka, khilaafka wiiqay hannaanka geedi-socodka ee doorashooyinka dalka iyo xiisadda ku soo korortay Magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Guudlaawe uu Xasan Sheekh ugu baaqay in xiisadda la qaboojiyo, isagoona kalsooni ka muujiyay in heshiis laga gaari doono arrinta doorashooyinka.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa Jimcihii soo gaaray Magaalada Muqdisho, si uu uga qaybgalo shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku leeyihiin magaalada.
Guudlaawe waxaa lagu tiriyaa Madaxda Dowlad Goboleedyada ee xiriirka dhow la leh Villa Somalia.




Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com