Madaxweyne Qoorqoor oo magacaabay Taliye-yaal ciidan

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, kuna taariikhaysan 20-2-2021 ayaa lagu magacaabay Taliska Guud ee Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Madaxweynuhu: Markuu arkay;awoodda uu siinayo dastuurka & ahhmiyada ay leedahay in la magacaabo taliska guud ee ciidanka Daraawiishta Galmudug.Markuu La-Tashaday; Madaxweyne-ku-xigeenka, tixgeliyeyna aqoonta iyo waaya-aragnimada ay u leeyihiin maamulka ciidanka, howlaha amniga iyo deegaanka

Wuxuu u magacaabay saraakiishan;

  1. Gaashaanle Sare Maxamed Nuur Cali (Gadaar), Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Galmudug
  2. Gaashaanle Cabdikariin Maxamuud Maxamed (Khayre), Taliye Kuxigeenka Ciidanka Daraawiishta Dowladda Galmudug.

Ugu danbayntii waxaa la farayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee Galmudug in ay la shaqeeyaan taliska cusub ee la magacaabay si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com