Muqdisho oo laga daahfuray barnaamijka wacyigelinta COVID-19 (SAWIRRO)

Wasaaradda Caafimaadka iyo Maamulka Gobolka Benaadir ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfuray barnaamij dadka looga wacyigelinayo xanuunsidaha COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Foosiya Abiikar Nuur iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaana daahfuray barnaamijka ka wacyigelinta dadweynaha ee COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka ayaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ka guddoontay agab caafimaad, oo loogu talagalay ka hortagga fayriska Corona, waxaana uu Duqa Muqdisho ballanqaaday in uu Wasaaradda Caafimaadka kala shaqayn doono dadaalada lagu xakameynayo faafitaanka xanuunka, isla-markaana ay taageeradooda joogteen doonaan.

Wasiirka Caafimaadka iyo Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale Shaqaalaha iyo Maamulka Isbitaal Martini kaga mahadceliyay, sida ay naftooda ugu harayaan badbaadada dadka uu soo rito xanuunka.

Dowladda Federaalka ayaa Isbitaal Martini ugu talagashay in lagula tacaalo dadka uu soo rito xanuunka saf-marka ah ee COVID-19, oo dalka dib ugu soo laba kacleeyay.

Agabka caafimaad ee maanta uu Maamulka Gobolka Banaadir geeyay Isbitaal Martini ayaa imaanaysa, xilli la soo sheegayo inuu aad u hooseeyo adeegga uu isbitaalkaasi bixiyo.

Magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga dareemay soo laba kacleynta xanuunka, iyadoo dadkuna bilaabeen in ay ka taxadaraan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com