Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa maanta kulan looga hadlayay rabshadihii ka dhacay Magaalada Muqdisho ku yeeshay Hotel Jazeera ee Magaalada Muqdisho.
Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta oo Warbaahinta la hadlay geba-gabadii kulankaasi ayaa sheegay inay ka xun yihiin tallaabada ay Dowladda Federaalka ku weerartay Xubnaha Midowga Musharaxiinta, xilli ay bannaanbax nabadeed uga qaybgalayeen magaalada.
Sidoo kale waxaa uu walaac ku muujiyay in dowladdu ay awood ciidan u adeegsato, dad si nabadgelyo leh bannaanbax ugu muujinayay dareenkooda, isagoona uga tacsiyadeeyay dadkii ku waxyeeloobay weerarka lagu qaaday bannaanbaxii ay Xubnaha Midowga Musharaxiinta qaarkood horkacayeen.
Shariif Sheekh Axmed ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku dhaliilay in uu u adeegsaday ciidankii ay shalay iyagu dhiseen, welibana iyagoo sida uu yiri u hagar baxay.

Shariif Sheekh Axmed ayaana xusay in loo baahan yahay in la ilaaliyo xorriyadda hadalka iyo dowladnimada dalka.
“Ciidanka shalay markaan dhiseynay, waan u hagar baxnay, waxaana aad uga xunahay in la soo adeegsado ciidamadii aan dhisnay, waxaa muhiim ah in la ilaaliyo xorriyada hadalka iyo dowladnimada.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya.
Shariifka ayaa intaa ku daray in fallanqayn dheer ka dib, ay Midowga Musharaxiinta isu raaceen in la sii wado bannaanbaxa dastuuriga ah, ee ay xaqa ugu leeyihiin in ay dareenkooda ku cabiraan, isla-markaana uu bannaanbaxu caafimaad u yahay dalka iyo dadka Soomaaliyeedba.
Dowladda Federaalka ayaa lagu dhaliilay inay siyaasadeysay bannaanbaxii Midowga Musharaxiinta, iyadoo Wasiirka Amniga, Xasan Xundubey Jimcaale uu Arbacadii sheegay inaanan la ogoleyn wax bannaanbax ah, xilligan adag ee dalka uu ku soo laba kacleeyay xanuunka COVID-19.
Hase yeeshee Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Jimcihii sheegay in sababta bannaanbax looga hortagay ay tahay, iyadoo ilaalo hubeysani wateen Xubnaha Midowga Musharaxiinta.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com