Xaaladihii ugu badnaa COVID-19 oo dalka laga diiwaangeliyay

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa dalka ka diiwaangelisay xaaladihii ugu badnaa ee xanuunka COVID-19, iyadoo dhanka kalena ay korortay tirada dadka u dhintay xanuunkaasi.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in 48-kii saac ee la soo dhaafay dalka laga diiwaangeliyay 257 xaaladood oo cusub, ka dib markii laga baaray 1,338 qof.

255 xaaladood ayaa laga diiwaangeliyay Magaalada Muqdisho, oo ah halka uu sida weyn u saameeyay soo kaba lacleynta xanuunka COVID-19.

Galmudug ayaa laga diiwaangeliyay 1 xaalad, halka Hirshabelle-na laga diiwaangeliyay xaalad kale, waana markii ugu horeysay oo xanuunka uu gaaro deegaanada Galmudug, tan iyo markii uu dalka dib ugu soo laba kacleeyay.

Dadka xanuunka laga helay 183 ka mid ah waxaa weeye rag, halka 74 kalena ay haween yihiin, iyadoo 15 xaaladood oo dhimasho ahna dalka laga xaqiijiyay. Dadka xanuunka ugu geeriyooday dalka oo dhan ayaana ah 194 qof.

Tirada guud ee dalka laga diiwaangeliyay xanuunka ayaa gaartay 5,889 xaaladood, halka 3,757 qof ay ka bogsadeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com