Deni oo si kulul u weeraray Madaxweyne Farmaajo (SAWIRRO)

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Xarunta PDRC ee Magaalada Garoowe, isagoo markaasi xaaladda dalka uga warbixinaya shacabka reer Puntland.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Puntland, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xubnaha Goleyaasha Puntland, masuuliyiin hore iyo qaybaha kala duwan ee bulsahda.

Madaxweynaha oo soo hadalqaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa yiri “26 January, 2019 oo ahayd xafladdii caleemo-saarkayga, waxaan goystay maadaama aan ku soo biiray masrixii siyaasadda, aanna u jeeday cakirnaanta jirta inaan la imaado weji ah Soomaalidu inay mar labaad dib u wadahadasho, oo wixii ka khaldamay ay saxdo oo ay waddo saxiixa marto.”

Waxa kaloo uu yiri “Waxaan halkan isugu yeernay dhammaan masuuliyiintii dalka iyo cid walba oo aan is dhihi karno dalkan waxgarad bay u tahay, anagoo curdin ah oo aan diyaargarow fiican lahayn ayaan dhabarka u ridanay shirka baaxadaas leh. Runtii fursaddaas waxaan uga faa’iideynay inaan gogol u dhigno oo aan isku dayno, inaan waxyaabihii jiray xal u raadino.”

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku eedeeyay inuu ka masuul yahay fashilka ku yimid shirarkii xalka loogu raadinayay arrimaha doorashooyinka ee dalka, isagoo intaa ku daray in Madaxweyne Farmaajo uu sababteeda leeyahay horusocod la’aanta arrimaha doorashooyinka.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu xitaa caqabad ku noqday shirkii ugu dambeeyay ee horaantii bishan lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Puntland ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay mid cadaadis ku haya Maamul Goboleedyada iyo dhinacyada kale, ee siyaasadda ku kala aragtida duwan yihiin, isla-markaana uu dagaal kula jiro mucaaradka.

Deni ayaa Madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay kali-talis, isagoona yiri “Waxa Somaliya ka socda wax laga aamusi karo maaha, dalkan meel halis ah ayuu ku jiraa. Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed, si mideysan iyagoo iskala saarin kali-talis inay ka horyimaadaan, iyagoo qabiil isku kala saarin inay sharciga ilaaliyaan, iyagoo mideysan waxay heshiis ku yihiin oo ah inay doorashada galaan.”

Deni ayaa yiri “Hadda tii u dambeysay Walaahi inaaan been ka sheegayn wuxuu yiri Garoowe hala yimaado, maya maya baan niri, lafahaynaa uga baqnayba. Wuxuu yiri Dhuusamareeb hala yimaado, waxaan ku dhahnay war Dhuusamareeb haddaan ka nimid oo xabadaa ka dhacayay, maya anaa og buu yiri waxba kama dhacayaan. Ma garanayo intuu ogyahay, macnaheeda waxay tahay kuwa wax soo tuurana waa yaqaanaan.”

Deni ayaa intaasi ku daray “Maanta inaan wax ka qariyo ma rabo. Waxaan idin sheegayaa wax aanan ogayn inaan Puntland ku meteli karin, anigu aadi maayo.”

Hadalka Madaxweyne Deni ayaa imaanaya, xilli Puntland iyo Jubbaland ay cago-jiid ka muujinayaan shirka wadatashiga qaran, ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com