Jubbaland oo shuruudo adag ku xirtay ka qaybgalka shirka Muqdisho

Maamulka Jubbaland ayaa waxa uu walaac ka muujinaya isku dhacyadii Magaalada Muqdisho, taasoo uu maamulku ku eedeeyay mid ay ka masuul tahay Dowladda Federaalka.

Jubbaland waxay ku warameysaa in isku dhacyadaasi ay dalka ku hoggaamiyeen xaalad cakiran, isla-markaana ay abuureen kalsooni-darro.

Jubbaland ayaa waxay soo jeedisay shan qodob oo kala ah:-

In Dowladda Federaalka raaligelin ka bixiso weerarkii Midowga Musharaxiinta

In la isugu yimaado shir ay qayb ka yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda ee dalka

In shirka lagu qabto goob ammaankeeda lagu kalsoonaan karo, oo Beesha Caalamka ay masuul ka tahay

In la helo dhammaanad-qaad ku aaddan fulinta natiijada shirkaasi

In Madaxweynuhu uu waqtigiisu dhammaaday ka dhex baxo, lugna aanu ku yeelan hannaanka doorashooyinka, si loo helo kalsoonida dhammaan saamileyda siyaasadda ee dalka.

Shanta qodob ee Jubbaland soo jeedisay ayaa loo fasirtay mid ay kaga cago jiideyso ka qaybgalka shirka wadatashiga qaran, oo Villa Somalia ay qorsheyneyso in lagu qabto Madaxtooyada Magaalada Muqdisho.

May be an image of text
May be an image of text

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com