RW Rooble oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Nakruma

Allaha u naxariistee waxaa duhurnimadii maanta Magaalada Muqdisho ku geeriyootay Faadumo Cali Nakruma, oo ka mid ahayd Fannaaniintii Hobolada Qaranka ee Waaberi.

Fannaanadda ayaa maanta xanuunka COVID-19 ugu geeriyootay Magaalada Muqdisho, sida uu xaqiijiyay Maxamed Xasan Barrow, oo ka mid ah hormuudka Hobolada Waaberi.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka tacsiyadeeyay geerida hobolada ayaa yiri “Waxaan qoyskeeda, bahda fanka & guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida fannaanaddii qaran Faadumo Cali Nakruma.”

Waxa kaloo uu yiri “AUN Faadumo waxa ay ka mid ahayd tiirarka fanka Soomaaliyeed, waxa ayna kaalin weyn ka soo qaadatay dhismaha qaranka iyo wacyigelinta bulshada.”

Rooble ayaa qoraalkan soo dhigay qoraal uu dadka kula wadaagay bartiisa xiriirka dadweynaha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com