Deni oo la kulmay wafdi ka socda Midowga Yurub (SAWIRRO)

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Magaalada Garoowe kula kulmay wafdi uu horkacayay Wakiilka Midowga Yurub ee dalka, Nicolás Berlanga Martínez.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Garoowe ayaa lagu sheegaya in kulanka looga hadlay xaaladda guud ee dalka.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa “Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe wafdi ka socda Midowga Yurub, oo uu hoggaaminayo Ergayga Midowga Europe ee Somaliya, Nicolás Berlanga Martínez, ayna ka mid yihiin Safiirka Talyaaniga ee Somaliya, Alberto Vecchi iyo Safiirka Sweden ee Somaliya, Staffan Tillander.”

“Kulanka oo ay Madaxweynaha kala qaybgaleen Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta iyo Wafaafinta ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Somaliya.”

Kulankan ayaa imaanaya, iyadoo Madaxweyne Deni uu xalay cago jiid ka muujiyay shirka wadatashiga qaran, ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku leeyihiin Caasimadda Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com