Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay Shariif Sheekh Axmed (SAWIRRO)

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya.

Madaxweynaha ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku booqday Gudoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle ayaa u qornaa “Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Somaliya, Mudane Shariif Sheekh Axmed.”

Wararka ayaa sheegaya in kulanka looga hadlay xaaladda siyaasadda ee dalka, isku dhacyadii Magaalada Muqdisho iyo khilaafka ku horgudban arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa isku dayaya in uu gacan ka gaysto dejinta xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan, iyadoona uu habeen hore Caasimadda Muqdisho kula kulmay Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee dalka.

Guudlaawe ayaa Jimcihii Muqdisho u yimid, si uu kaga qaybgalo shirka wadatashiga qaran, ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu toddobaadkii hore ku baaqay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com