Madaxweyne Deni: Shaki weynaa iiga jiro Gorgor, sida loo tababaray

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa su’aal geliyay ujeedada loo tababaray Ciidanka Kumaandooska Gorgor iyo booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, oo labaduba uu Turkiga tababaray.

“Horta Gorgorkan la sheegayo anigu waxaan ku maqlay maalin la yiri Galmudugaa la keenay oo dagaal ka socday, Gedo in la geeyayna waan maqlay, goobta 3aad ay ka dagaalameen waxay noqotay Daljirka Dahsoon, horta saas inaad u ogaataanaa rabaa, Haramcad iyo Gorgor meel kaloo ay ka dagaalamaan maleh.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo xalay khudbad dhinacyo kala duwan taabaneysay ka jeediyay Xarunta PDRC ee Magaalada Garoowe.

Madaxweynaha ayaa ku waramaya in uu baaritaan ku sameeyay tirada ciidamadan, isla-markaana uu ogaaday inay yihiin ciidan fara-badan, misena qalabeysan.

“Waan baaray, waxaan iri ciidankan intee le’egyahay? Waxa la ii sheegay ciidamada Turkiga tababaray iyo kuwa kale oo leesku darro, ciidan hadda aniga aan sheegayn oo dadka ka nixinayo oo tiro badan oo dabaabaad wata inay yihiin.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Puntland ayaa Xoogaga Kumaandooska Gorgor ku dhaliilay kuwo aan cudadooda ciidan uga faa’ideyn qaranka, isagoo soo hadalqaaday xitaa in aanay furin wadada Muqdisho iyo Afgooye, isla-markaana aysan waxba ka qaban amni-darrada ka jirta Degmada Heliwaa.

“Hadde hal maalin Shabaabka ma aadin, wadada Afgooye iyo Xamar isku xirto waa xiran tahay, Huriwaa lama taggi karo. War Gorgorkan haddee dadka wax u qabanayaan, jidadka maxay u furi waayeen? Niman meel ay ku jiraan, cidi arag, aniga wax lagu akhriyay ma garanayo. Awal waxaa la lahaa Soomaalidu saas ma yeeli karto, dadka reer Puntland saasey dhahaan, laakiin ogaada Soomaalida, Soomaalidaa naqaanay maaha, ileen Al Shabaab-ba see ka dhigtay waala arkay Soomaali, soo maaha, inay is qarxiyaan oo dadka gowracaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha ayaa xusay in uu shaki weyn ka qabo qaabka loo tababaray Kumaandooska Gorgor, oo uu ku tilmaamay kuwo bilaa naxariis ah in ay yihiin.

“Nimankan aniga sida loo tababaray shaki weynaa iiga jira marka, wax naxariis ah oo ay leeyihiin ma jirto. Horta dalka meeshuu ku socdo waxaan rabaa inaad si fiican u fahamtaan.” Ayuu yiri Deni.

Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Dadka waxa xun looma sheego balada ah, laakiin waan qarsan weynay runaa idin sheegayaaye, maxaa yeelay haddaan ka diggi weyno oo dalkan dagaal sokeeye uu ka dhaco, qabaa’il leesku laayo, xoog leesku sheegto oo dalka dabaabaad la jiirsiiyo, anagaa dembiile-yaal noqoneyno.”

Hadalka Madaxweyne Deni ayaa xoojinaya eedeymihii Sabtidii ka soo yeeray Midowga Musharaxiinta, ee ahaa in Ciidankii Qaranka loo adeegsaday, iyadoo markaasi dano siyaasadeed laga leeyahay.