Somaliya oo Turkiga weydiisatay inuu u sameeyo warshad Oxygen

Dowladda Somaliya ayaa Turkiga ka weydiisatay inuu u sameeyo warshad Oxygen-ka sameysa, xilligan adag ee dalka uu wajahayo laba kacleynta xanuunka COVID-19.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa samaynta warshadaasi kala kaashanaysa Safiirka Turkiga ee dalka u fadhiya, Amb. Mehmet Yilmaz.

Sidoo kale Dowladda Somaliya ayaa Maamulada Jaamacadaha iyo Iskuulada ku wargelisay inay xiraan goobaha waxbarashada, muddo laba toddobaad ah.

Wasaaradaha Warfaafinta, Awqaafta & Diinta iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu wargeliyay inay dardargelinayaan dadaalada dadka looga wacyigelinayo faafitaanka xanuunka.

Dalabka ay Dowladda Somaliya u gudbisay Turkiga ayaa imaanaya, xilli xalay uu Oxygen la’aan soo wajahay Isbitaalka Martini ee Magaalada Muqdisho, oo lagu daryeelo dadka uu soo rito COVID-19.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com