Dadweyne fara-badan ayaa Axadii isugu soo baxay Caasimadda Wadanka Myanmar ee Naypyidaw, si ay uga qayb qaataan aaska gabar dhalinyaro ahayd, oo sal u noqotay iska caabinta Taliska Militariga ee afgembiga talada dalkaasi kula wareegay, horaantii bishan.
Mya Thwate Thwate Khaing ayaa Jimcihii u geeriyootay dhaawac ay toddobaadkii hore u gaysteen ciidamada ammaanka, xilli uu socday bannaanbax ka dhan ah afgembiga.
Sabtidii ayay ahayd markii ciidamada ay dileen laba qof oo ka mid ahaa, dad bannaanbax ka dhigayay magaalada labaad ee dalkaasi ugu weyn ee Mandalay.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa cambaareeyay dilka dadka rayidka, isagoona sheegay inaanan la aqbali karin in awood xad dhaaf ah loo adeegsado dadka dhigaya dibadbaxyada lagu diidan yahay afgembiga uu militariga xukunka kaga tuuray Hoggaamiyihii Myanmar, Aung San Suu Kyi.
Shabakadda Facebook ayaa meesha ka saartay boggii uu Militariga Myanmar u adeegsan jiray digniinaha ku wajahan dadka bannaanbaxyada ka wada dalkaasi.
Dadka reer Myanmar ee diidan afgembigaasi ayaa ku goodiyay in ay bannaanbaxyada sii wadi doonaan, illaa iyo inta xukunka dib loogu soo celinayo maamulkii rayidka.






Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com