Dowladda Somaliya ayaa maanta sheegtay inaanan wax bannaanbax ahi lagu qaban karin Magaalada Muqdisho, xilligan adag ee COVID-19 uu dalka ku soo laba kacleeyay.
Wasiirka Amniga Somaliya, Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in la joojiyay nooc kasta oo bannaanbax ah, ha noqdo mid lagu taageerayo Dowladda Federaalka amaba looga soo horjeedo.

“Sideedaba bannaanbax dowladda waa soo saari kartaa, dadka mucaaradkana waa soo saari karaan, wax weyn maaha in dowladda soo saarto ama mucaaradka, laakiin kulligood waa sharci-darro ama dowladda halagu taageero ama halooga soo horjeedo, bannaanbax oo dhan waa sharci-darro.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga.
Wasiirka ayaa ku celiyay inaanan la ogolaan doonin in bannaanbax ay dad hubeysan soo abaabuleen lagu qabto magaalada, haddii ay taasi dhaceysana ay ku imaan doonto xaaladaha COVID-19 oo yaraada iyo amniga oo soo hagaaga, sida uu yiri.
Hadalka Wasiir Xundubey ayaa imaanaya, xilli Midowga Musharaxiinta ay iclaamiyeen in bannaanbax kale ay maalinta Jimcaha ka dhigi doonaan Caasimadda Muqdisho.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com