Farmaajo iyo Rooble oo ka tacsiyadeeyay geerida Ugaas Xasan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo caawa uu ka baxay Allaha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Madaxweynaha ayaa xusay in Ugaasku uu ahaa hormuud dhaqan oo lagu soo hiran jiray, door muuqdana ka soo qaatay dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, adkeynta wadajirka iyo dadaalladii dib u dhiska dowladnimada.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Ugaasku waxa uu astaan u ahaa saldanad dhaqan oo facweyn oo kaalin muhiim ah kaga jirtay wada noolaashaha bulshada Gobolka Hiiraan iyo guud ahaan dalka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Dhanka kale Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

“Waxaan qoyskiisa, asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka Soomaaliyeed. Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo, ehelka iyo ummaddana sabir iyo iimaan Allaha ka siiyo.”

Ugaaska oo muddooyinkii ugu dambeysay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu u geeriyooday xanuunka COVID-19.

Ugaas Xasan ayaa 25-kii bishii July ee sanadkii 2016 lagu caleemo saaray deegaanka Ceel-Jaale ee duleedka Magaalada Beledweyne, ka dib markii uu geeriyooday walaalkii Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com