Kulankii James Swan iyo Madaxweynaha Jubbaland (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Madaxtooyada Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu horkacayay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya, Amb. James Swan.

War qoraala oo ka soo baxay Madaxtooyada Jubbbaland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu kulan miro dhal ahi la qaatay wafdigan iyo weliba Safiiro kale oo muuqaalka foggaan-aragga la soo geliyay, intii uu kulankaasi socday.

Warka ayaa u qornaa “Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer caalami ah oo uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Somaliya, James Swan, waxaa kale oo wafdigan kamid ahaa Wakiilka Midowga Yurub ee Somaliya, Nicolás Berlanga Martínez iyo Safiirka Talyaaniga, Alberto Vecchi.”

“Masuuliyiintan ayaa yeeshay kulamo miro dhal ah, iyadoo sidoo kale hab maqal iyo muuqaal ah ay kaga qaybgaleen Safiirka Mareykanka ee Somaliya, Ambassador Donald Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Afrika, Danjire Francisco Caetano Madeira.”

“Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xaaladihii u dambeeyay ee Somaliya iyo arrimaha doorashooyinka.”

Beesha Caalamka ayaa u muuqata mid markale miiska wadahadalada isugu gaynaysa Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com