Sheeko xiiso leh: Reer Magaal ku aqalgalay miyiga

Yuusuf Cabdi Codey oo ah nin dhalinyaro oo degan Magaalada Hargeysa ayaa dhawaan ku aqalgalay miyiga Degmada Gaashaamo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Arrintan ayaa soo jiidatay dadka deegaanka iyo dadkii yaqiinay Yuusuf Cabdi iyo xaaskiisa Umulkheyr Saleebaan Cawl, maadaama ay lamaanahaasi yihiin dad reer magaal ah.

Yuusuf Cabdi ayaa Laanta afka Somaliga ee BBC uga waramay, sababta ay ku doorteen in arooskooda uu ka dhaco miyiga iyo weliba farqiga u dhaxeeya qarashaadka dhanka arooska miyiga iyo kan magaalada.

Halkan kaga boggo wareysiga Yuusuf:-

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com