Deni oo shir guddoomiyey kulan aan caadi ahayn (SAWIRRO)

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta shir guddoomiyay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada, oo ka dhacay Magaalada Garoowe.

Shirkan ayaa ka duwanaa shirarkii hore, waxaana maanta kala qaybgalay Guddoomiye-yaasha Gobolada & Degmooyinka, Saraakiisha amniga iyo lataliyeyaal.

Qoraal uu Madaxweynaha Puntland soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in shirka looga hadlay dardargelinta hawlaha shaqo ee bulshada u hayaan.

Qoraalka ayaa u qornaa “Waxaan maanta shir- gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada ee todobaadlaha ah, Shirka oo ay maanta nagala qaybgaleen Guddoomiye-yaasha Gobolada & Degmooyinka, Saraakiisha amniga iyo lataliyeyaal.

“Waxaan uga hadalnay dardargelinta hawlaha shaqo ee socda iyo adeegga dowliga ah, ee loo hayo bulshada.”

Madaxweyne Deni ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Madaxweyne Kuxigeenka, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com