Maxaa laga filayaa kulanka Rooble iyo Midowga Musharaxiinta?

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa haatan kulan looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee dalka waxa uu Magaalada Muqdisho kula leeyahay Xubnaha Midowga Musharaxiinta

Afhayeenka Xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa faah faahiyay waxa looga hadlayo kulanka dhinacyadaasi uga socda Hotel Decale.

Afhayeenka ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay in labada dhinac ay miiska wadahadalada isugu yimaadaan, isagoo intaasi ku daray inay rajeynayaan in wadahadaladaasi ay miro dhallaan.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa wuxuu wadaa dadaal uu doonayo inuu wadahadalo kula furo Golaha Midowga Musharaxiinta ee mucaaradka, runtii wayna aqbaleen, tallaabo wanaagsan ayayna ahayd. Hadda wadahadalkii waa uu socdaa, si wanaagsan ayaa loo doodayaa, waxaana rajeynaynaa in natiijo wanaagsan ay ka soo baxdo.” Ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda.

Afhayeenka oo la hadlay BBC ayaa ajandaha ugu weyn ee kulanka ku sheegay Ra’iisal Wasaare Rooble oo dadaal ugu jira, sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ku gadaaman hannaanka geedi-socodka ee doorashooyinka dalka.

“Ajandaha ugu weyn waa xalraadin uu Ra’iisal Wasaaruhu hormuud ka yahay. Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu doonayaa in laga foggaado shaqaaqooyin iyo isku dhacyo inay magaalada ka dhacaan. Waad ogtahay mudaaharaadyaa lagu baaqay, waxaana socday kala foggaansho, hadalo dhiilo colaadeed wataana leesku tuur-tuuraayay. Marka wuxuu rabaa in is faham uu abuurmo, kaasina uu horseedo shirkii 17-kii September lagu heshiiyay in la sii amba-qaado, Madaxweyne-yaashii kalena sidaasoo kale ee ka maqnaa, sida Madaxweyne-yaasha Jubbaland iyo Puntland uu iyana wadahadal la yeesho.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Waxa kaloo uu yiri “Somaliya waxa keliya ee maanta badbaadin kara ee la aaminsan yahay waa uun in la dhameeyo qodobada heshiiskaa muddada dheer Somaliya aasaaska u ahaa ee 17-kii September.”

Macalimuu ayaa xusay inkastoo ay caqabado kale imaan karaan, uu haddana Ra’iisal Wasaaruhu ku kalsoon yahay in uu xal u heli doono arrintan, isagoo markaasi dadka Soomaaliyeed u muujinaya in weli rajo jirto.

“Inkastoo caqabado iska imaan karaan, haddana boqolkiiba boqolka (100%) Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu ku kalsoon yahay inuu arrintan wax ka qaban doono, ummadda Soomaaliyeed-na uu qalbiga ugu wanaajinayo, rajo badana ay jirto. Qof kastoo Soomaali ahna waxaa uu ka codsaday inuu gacan ka gaysto, sidii dalkan si nabdoon ay doorasho uga dhici laheyd.” Ayuu yiri Macalimuu.

Kulankan ayaa imaanaya, xilli Midowga Musharaxiinta ay Arbacadii sheegeen inaanay dheg jalaq u siin doonin awaamiirtii Dowladda Federaalka ku mamnuucday bannaanbax oo dhan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com