Meydka Ugaas Xasan oo la geeyay Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)

Meydka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa galabta la geeyay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ka dib markii laga qaaday Magaalada Muqdisho.

Diyaarad siday meydka marxuumka, oo sidoo kale ay la socdeen masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa ka degatay Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif.

Ugaaska oo habeen hore ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa in Jimcaha berrito lagu aaso Khabuuraha Dahara Ugaas ee deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Odayaal Dhaqameedyo isaga kala yimid deegaano kala duwan ayaa gaaray Beledweyne, si ay uga qayb qaataan aaska marxuumka loogu sameynayo deegaanka Halgan.

Allaha u naxariistee Ugaas Xasan ayaa 25-kii bishii July ee sanadkii 2016 lagu caleemo saaray deegaanka Ceel-Jaale ee duleedka Magaalada Beledweyne, ka dib markii uu geeriyooday walaalkii Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com