Puntland oo albaabada isugu laabtay Xarunta Telefishinka STN ee Garoowe

Ciidamada Booliska Puntland ayaa caawa xoog ku galay Xarunta Telefishinka STN ee Magaalada Garoowe, iyagoona albaabada isugu laabay.

Ciidamada Booliska ayaa horey u sii watay mid ka mid ah Wariye-yaasha ka hawlgala telefishinkaasi, oo lagu magacaabo Cabdifitaax Jilib.

Tallaabada albaabada la isugu laabay Xarunta STN TV ayaa imaanaysa, maalin ka dib markii dadweynaha ay wax ka weydiiyeen khudbaddii Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni uu habeenkii Axadda ka jeediyay Xarunta PDRC ee Magaalada Garoowe.

Wariye Aadan Suureyste oo ka tirsan Telefishinka STN ayaa sheegay, ka dib markii ay baahiyeen ra’yiga dadweynaha lagu amray in ay joojiyaan, isla-markaana ay muuqaalka ka saaraan barraha bulshada.

Ciidamada Booliska ayaa Isniintii Wariye Axmed Bootaan Carab ku xiray Magaalada Boosaaso, saacado yar uun ka dib, markii uu dadweynuhu wax ka weydiiyay khudbaddii Madaxweynaha.

Madaxweyne Deni ayaa khudbaddiisa si kulul ugu weeraray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasoo ay dadka reer Puntland si weyn ugu dhalleeceeyeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com