RW Rooble oo kulan la leh Midowga Musharaxiinta (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxmaed Xuseen Rooble ayaa haatan kulan la leeyahay Golaha Midowga Musharaxiinta.

Kulanka Ra’iisal Wasaaraha iyo Midowga Musharaxiinta ayaa ka soconaya Hotel Decale, oo ku dhex yaala Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Maxamed Ibraahim Macalimuu, Afhayeenka Xukuumadda ayaa xaqiijiyay in labada dhinac ay ka wada doodayaan arrimaha horyaala.

Sidoo kale qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa u qornaa “Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hotelka Decale kulan kula leh Midowga Musharaxiinta.”

“Ra’iisal Wasaaraha ayaa kala hadlaya murashaxiinta arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka.”

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa dadaal ugu jira, sidii loo joojin lahaa bannaanbaxa nabadeed ee Midowga Musharaxiinta iclaamiyeen in Jimcaha berrito ka dhigi doonaan Caasimadda Muqdisho.

Rooble ayaa waxaa kulanka ku wehlinaya Madaxweyne-yaasha Hirshabelle iyo Galmudug, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo masuuliyiin kale.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com