Somtel oo soo kordhisay adeegyada eDahab chatbot & Safar Taxi Chatbot

Maanta oo taariikhdu tahay 25 February 2021 Shirkadda isgaarsiinta casriga ah ee Somtel Somalia, iyadoo la Jaanqaadeysa Technology-da Casriga ah waxay macaamiisheeda u soo kordhisay Adeegyada cusub eDahab chatbot & Safar Taxi Chatbot.

Waa adeegyo u sahlaya macaamiisha in ay ku dalban karaan kuna iibsan karaan adeegyada Dahabshiil Group iyagoo isticmaalaya WhatsApp -kooda .

1- eDahab Chatbot:Waa hab casri ah oo u sahalaya macaamiisha inn ay ka dalban karaan adeegyada shirkadda WhatsApp -kooda. Keliya waxay Save-gareysanayaan Numbarkaan (+252657999222)ka Dooro adeega aad u baahan tahay Fariinta kuu soo bixi doonta oo ay ku Qoran yihiin Adeegyada, Macmiilku edahab-kiisa ayuu ku iibsan karaa dhamaan adeegyada somtel Sida: Internet Data , Voice iyo Badeecooyinka kale ee Suuqa yaal.

2- Safar Taxi Chatbot.Waa hab casri ah oo u sahalaya macaamiisha In ay ka dalban karaan adeegyada Safar Taxi WhatsApp -kooda. Keliya waxay Save-gareysanayaan Numbarkaan (+252 2 300 000)kadibna Waxay dalban karaan Taxi iyo Bajaaj hadba noocii ay Rabaan si ay u Raacaan , ama ku dalbo sidan *3000# Sidoo kale wac 3000.Somtelwaashirkadii ugu horeysay ee keentay adeegyada Casriga ah ee WhatsApp lagu isticmaalayo.

“Dunida tagtay la jaanqaadoo Isticmaal simcard-ka Somtel”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com