Xoogaga PSF oo gaaray deegaano ka tirsan Buuraha Cal Miskaat (SAWIRRO)

Xoogaga ammaanka ee Puntland ayaa Khamiistii gaaray deegaano hoostagga Buuraha Cal Miskaat, halkaasoo inta badan ay dagaal-yahanada Daacish ka ag-dhow yihiin.

Ciidamada PSF ayaa ku dhaqaaqay deegaanka Geeso-qabad iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow ee Gobolka Bari, ka dib markii ay heleen xog ku aaddan in xilliyada qaarkood ay gabaad ka dhigtaan kooxaha nabadiidka.

Qoraal ka soo baxay Taliska PSF ayaa lagu sheegay in deegaanadan ay xilliyada qaarkood isku ugaarsadaan maleeshiyada Al Shabaab iyo Daacish, oo dagaal uu ka dhaxeeyo.

“Ciidamada PSF waxay hawlgal ku taggeen tuulada Geeso-qabad iyo deegaanada hoostagga ee Buuraha Cal Miskaat, oo ay Ciidamada PSF heleen xogo sheegaya in deegaanadan ay mararka qaar ku dhuumaaleystaan, oo ay isku ugaarsadaan Al Shabaab iyo Daacish.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay “PSF waxaa ka go’an in aysan cadowgu helin meel ay ku dhuuntaan.”

Waa toddobaadkii 4aad oo xiriir ah oo Ciidamada PSF ay hawlgalo amni xaqiijin ah ka wadaan Buuraleyda Gobolka Bari.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com