Dil ka dhacay Magaalada Beledweyne iyo raggii gaystay oo baxsaday

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa maanta Magaalada Beledweyne ku dilay nin dhalinyaro ahaa, iydoo dilka ka dibna ay u suurtagashay in gacanta sharciga ka baxsadaan.

Raggan ayaa dilka ka gaystay xaafadda Hawlwadaag, waxayna goobtaasi ka baxsadeen, ka hor intii aysan gaarin Ciidamada Booliska.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cismaan Cabdikariin Maxamuud ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in dhawaan uu ku biiray Ciidamada Dowladda.

Ciidamada Booliska ayaa goobtaasi ka qaaday meydka marxuumka, mana jirto cid ay dilkiisa u soo qabteen, sida ay dadka deegaanka xaqiijiyeen.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkaasi, balse waxaa dilalka ceynkani oo kala ah looga bartay maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com