Kiisaska COVID-19 ee dalka oo xargaha goystay

Waxaa sare u sii kacaya xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaangelinayo maalinba maalinta ka dambeysa, iyadoona uu xanuunka ku baahayo deegaano hor leh.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa sheegtay in dalka laga diiwaangeliyay 304 kiis oo cusub, ka dib markii xanuunka laga baaray 1,830 qof.

147 xaaladood ayaa laga diiwaangeliyay Magaalada Muqdisho, iyadoo 77 xaaladood laga xaqiijiyay Hirshabelle, Somaliland 53 kiis, Jubbaland 15 kiis, Galmudug 7 iyo Koonfur Galbeed oo 5 kiis laa diiwaangeliyay.

Sidoo kale 185 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waa rag, halka 119 kalena ay haween yihiin, waxaana guud ahaan dalka laga xaqiijiyay dhimashada 8 qof, halka 3 qof-na ay xanuunka ka bogsatay.

Tirada guud xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay ayaa ah 6,991 xaaladood, iyadoo 3,787 qof ka bogsadeen, halka 231 qof-na ay u geeriyootay.

Sida ku cad warbixinta maalinlaha ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa muujinaysa in xanuunka uu markan si weyn ugu faafayo guud ahaan dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com