Saddex gabdho oo lagu afduubtay Gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee maanta gobolkaasi lagu qafaashay saddex hablo, oo deegaan ahaan ka soo jeeda Magaalada Cadaado.

Maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan oo deegaan ahaana ka soo jeeda Magaalada Caabudwaaq ayaa hablahaasi ka qafaashay duleedka Cadaado.

Wararka ayaa sheegaya in hablaha ay ula dhaqaaqeen dhanka Caabudwaaq, iyagoo markaasi ka careysan dil dhawaan wadada xiriirisa Cadaado iyo Caabudwaaq loogu gaystay gabar deegaan ahaan ka soo jeeday Caabudwaaq.

Marxuumadda ayaa la socotay gaari Candho-meydle oo ka yimid dhanka Magaalada Boosaaso, oo ay rasaaseeyeen maleeshiyo ka soo jeeda Cadaado, xilli uu gaarigu ku safrayay wadada Cadaado iyo Caabudwaaq. Gabadhan ayaana haleeshay rasaastii ay furayn maleeshiyadaasi.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dableyda afduubka gaysatay ay dalbaneyso magta gabadhii ay dileen maleeshiyadaasi.

Odayaasha labada dhinac ayaa bilaabay dadaalo lagu doonayo in dib xorriyadooda loogu siiyo gabdhahaasi, si loo qaboojiyo xaaladda ka soo korortay wadadaasi.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa labadii bilood ee ugu dambeysay ku soo badanayay dilalka iyo weerarada xagga aanooyinka beelaha la xiriira.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com