Ugaaska Beesha Cayr oo si KMG ah Ugaas ugu noqonaya Xawaadle

Ugaaska Beesha Cayr/Habargidir, Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur ayaa si KMG ah u sii noqon doono Ugaaska Beesha Xawaadle, illaa iyo inta beeshaasi ka soo caleemo saareyso Ugaaskeeda cusub.

Ugaaskii Beesha Xawaadle, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa 23-kii bishan ku geeriyooday Magaalada Muqdisho, iyadoo gelinkii dambe ee Jimcihiina lagu aasay Khabuuraha Dahara Ugaas ee deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Sanadkii 2004-tii Ugaaskii hore ee Beesha Xawaadle, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa xilligaa si KMG ah u noqday Ugaaskii Beesha Cayr, ka dib markii uu geeriyooday Ugaaskii hore ee beeshaasi, Ugaas Maxamed Ugaas Nuur.

Beesha Xawaadle ayaa Ugaaskeeda cusub caleemi saari doonto, marka ay asaydu ka degto xaaskii uu ka geeriyooday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, waxaana intaasi xilka sii hayn doono Ugaaska Beesha Cayr.

Cali Daahir Xerow oo ka mid ah dadka aadka ugu dhawaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa sheegay in labada beelood ay dhaqan ahaan u sameysteen in beeshii uu Ugaaskeeda geeriyooda uu Ugaaska Beesha kale uu xilka si ku-meel-gaar ah u sii hayn doono.

Cali Daahir oo BBC la hadlay ayaa tilmaamay in Ugaaska Beesha Cayr uu xilkan sii hayn doono, illaa iyo inta ay asayga ka dhigeyso xaaskii Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, markaasoo ay tahay in la caleemo saaro Ugaaska cusub ee Beesha Xawaadle.

Xerow ayaa xusay in shaqada Ugaaska Cayr ay noqon doono in uu xaliyo wixii khilaaf ah ee labada beelood ka dhex jira, isagoo si hoose markaasi arrimaha labadaasi uga wada shaqeynaya.

Tani ayaa imaanaysa, iyadoo muddooyinkii ugu dambeysay xiisad u dhaxeyso maleeshiyad labadaasi beelood ka soo kala jeeda, ay ka taagneyd wadada xiririisa Guriceel & Matabaan, Matabaan illaa Beledweyne.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com