Maxaa ka cusub xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay?

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa caawa ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay, afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay.

Dalka oo dhan waxaa xanuunka laga baaray 1,807 qof, waxaana laga helay 266 qof, kuwaa oo intooda badan laga diiwaangeliyay Magaalada Muqdisho.

141 xaaladood ayaa laga xaqiijiyay Gobolka Banaadir, iyadoo 88 kiis laga diiwaangeliyay Puntland, 25 xaaladood Somaliland, 4 kiis Koonfur Galbeed, 3 kiis Hirshabelle, 3 Jubbaland iyo 2 kiis oo Galmudug laga diiwaangeliyay.

Sida ku cad warbixinta maalinlaha ee Wasaaradda Caafimaadka dadka xanuunka laga helay 163 ka mid ah waa rag, halka 103 kalena ay haween yihiin.

Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay ayaa dalka laga diiwaangeliyay 8 xaaladood oo dhimasho ah, iyadoo 6 qof ay xanuunka ugu geeriyootay Magaalada Muqdisho, halka 2 kalena ay Beledweyne ugu geeriyootay, waana markii ugu horeysay oo xaalado dhimasho ah laga diiwaangeliyo meel ka baxsan Caasimadda Muqdisho, tan iyo markii uu xanuunka dalka dib ugu soo laba kacleeyay bilowgii bishan dhammaadka ah ee February.

Sidoo kale waxaa xanuunka ka bogsaday 21 qof, waana tiradii ugu badneyd ee maalin qura xanuunka ka bogsato.

Guud ahaan xaaladaha dalka laga diiwaangeliyay ayaa ah 7,257 xaaladood, iyadoo 3,808 qof ka bogsadeen, halka 239 qof-na ay u geeriyootay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com