Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga oo ka badbaaday qaraxii Muqdisho

Faah faahino ayaa ka soo baxaya cidda lala eegtay qaraxii saaka ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasoo khasaaro dhimasho iyo dhaawacba gaystay.

Qaraxan oo wadada dhinaceeda la dhigay ayaa lala eegtay gaadiid uu la socday Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga, General Cabaas Amiin Cali, oo markaasi maraayay dhabarka dambe ee wadada Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Taliye Kuxigeenka uu ka badbaaday qaraxaasi, balse ay ku waxyeeloobeen qaar ka mid ah ciidamadii galbinayay.

Qaraxan ayaa haleelay mid ka mid ah gaadiidkii uu la socday Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana ku dhintay laba ka mida ilaaladiisa, halka dhawr kalena ay ku dhaawacantay.

Sidoo kale dad rayid ah oo wadada marayay ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, kuwaa oo goobaha caafimaadka loo qaaday.

General Cabaas Amiin Cali, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xilligii la weerarayay ku sii jeeday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jidka Warshadaha.

Goor dhow gaari weyn oo Ciidanka Xoogga Dalka ay leeyihiin ayaa halkaasi looga jiiday gaarigii uu qaraxa haleelay. Muuqaalo laga soo qaaday ayaa muujinaya in qaraxa uu qabsaday afka hore ee gaarigaasi.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, waxaase qaraxyada ceynkani oo kala ah looga bartay maleeshiyada Al Shabaab.

Wadada uu qaraxan ka dhacay waxaa marar badan ka dhacay qaraxyo lala eegtay gaadiid ay la socdeen Ciidamada Dowladda, waxyeelo kala duwana ay ka soo gaartay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com