Qarax miino ayaa saaka ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, iyadoona lala eegtay gaari ay leeyihiin Ciidamada Militariga.
Qaraxan oo wadada dhinaceeda la dhigay ayaa ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo qaraxaasi ka dhashay.
Goobjooge ayaa Dhacdo.com u sheegay in qaraxaasi uu haleelay gaarigii ay ciidamada wateen, isla-markaana uu xogta ku hayo in laba askari ku dhimatay qaraxaasi.
“Qaraxa wuxuu ka dhacay wadada Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim, miino ayay ahayd oo lala eegtay gaari Ciidamada Dowladda ay wateen. Dadkii meesha ka ag-dhawaa ayaan ka mid ahaa, markii uu qaraxa dhacay nin walba lafahiisa ayuu la cararay, laakiin waxaan maqlay in laba askari ku dhimatay, dhawr kalena ay ku dhaawacantay.” Ayuu yiri goobjoogaha oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsadan.

Wararka ayaa sheegaya in dad rayid ah oo wadada maraayay ay ku dhaawacmeen qaraxaasi, kuwaa oo goobaha caafimaadka loo qaaday.
Ciidamada Booliska ee Degmada Hodan ayaa gaaray goobtii uu qaraxu ka dhacay, iyagoona hakad geliyay isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee wadadaasi.
Laamaha ammaanka ayaan weli ka hadlin qaraxaasi, mana jirto cid sheegatay masuuliyadiisa, waxaase lala xiriirinaya mintidiinta Ururka Al Shabaab.
Wadada uu qaraxan ka dhacay waxaa marar badan ka dhacay qaraxyo lala eegtay gaadiid ay la socdeen Ciidamada Dowladda, waxyeelo kala duwana ay ka soo gaartay.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com