Gabar Soomaaliyeed oo si cajiiba isaga bixisay dayn lagu yeeshay

Raxma Maxamed (Raxma Rooda) oo ah gabar Soomaaliyeed oo ku nool Magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta ee Wadanka Canada ayaa soddon kun oo dollar oo dayn ahaan ay ugu yeelatay jaamacaddii ay wax ka baraneysay isaga bixisay lacag ay ka uruurisay ayuuto ama hagbad ay gashay.

Sheekada gabadhan Soomaaliyeed ayaa waxaa hadalhaysa Warbaahinta dalkaasi, iyadoo aanay dadka dalkaasi wax badan ka garanayn ayuutada.

Raxma Maxamed ayaa wareysi ay siisay Laanta afka Somaliga ee BBC waxay uga warantay, cidda ay kaga dayatay in la galo ayuutada iyo muddadii ay lacagtaasi uruurineysay.

Halkan kaga boggo wareysiga Raxma

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com