Lix qof oo COVID-19 ugu dhimatay Magaalada Garbahaarey

Wararka ka imaanaya Magaalada Garbahaarey ayaa sheegaya in magaaladaasi ay ka jirto xaalad adag oo ka dhalatay xanuunsidaha COVID-19, ee Coronavirus uu keeno.

Aadan Ibraahim Aw Xirsi, Wasiirkii hore ee Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ee Jubbaland oo ku sugan Magaalada Garbaaharey ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in lix qof ay xanuunka ugu geeriyootay magaaladaasi, afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay.

“Garbahaarey oo ah Xarunta Gobolka Gedo waxaa labaatan iyo afartii saac ee la soo dhaafay ku dhimatay lix qof, oo saddex ay waayeel yihiin.” Ayuu yiri Aadan Ibraahim Aw Xirsi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in xaalad khatar oo baqdin badan leh ay ka taagan tahay Xarunta Gobolka Gedo ee Magaalada Garbahaarey.

“Xaalad khatar ah oo cabsi badan leh ayaa ka jirto Magaalada Garbahaarey, gobolka intiisa kalena waa uun lamid.” Ayuu yiri Aadan Ibraahim.

Aw Xirsi oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA ayaa sheegay inaanay Garbahaarey lahayn qalab caafimaad oo wanaagsan, isla-markaana aanay oolin dawo in ku filan ah.

Garbaaharey ayaa noqoneysa magaaladii 3aad ee dalka oo laga soo wariyo xaalado dhimasho ah oo ka dhashay COVID-19, horey waxaa kiisas dhimasho looga xaqiijiyay Magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com