Macluumaad la xiriira dilka Wariye Jamaal Faarax loogu gaystay Gaalkacyo

Allaha u naxariistee Wariye Jamaal Faarax Aadan oo ka mid ahaa Wariye-yaasha sida weyn looga garanayo deegaanada Puntland ayaa caawa lagu dilay Magaalada Gaalkacyo.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa ninka Wariyaha ah ku dilay afaafka hore goob ganacsi, oo uu ku lahaa agagaarka Xerada Siinaay ee Waqooyiga Gaalkacyo.

“Saacaddu marka ay ahayd 7:00 fiidnimo isaga iyo nin kale oo ku sheekeysanaya albaabka hore dukaan uu ku lahaa xaafadda Siinaay baa waxaa u yimid laba nin, oo isaga soo dhigay inay wax ka iibsanayaan, waxay ku yiraahdeen wax naga iibi, markii uu sare ugu kacayna bastooladihii bay la soo baxeen, isaga iyo ninkii la fadhiyayna way toogteen. Jamaal wuu dhintay, ninkii kalena waa dhaawac.” Ayuu yiri Sarkaal Booliska Puntland u hadlay.

Goobjooge ayaa sheegay in raggii dilka gaystay ka baxsadeen goobtaasi, ka hor intii aanay soo gaarin ciidamada ammaanka.

Wariye Jamaal Faarax ayaa ka soo shaqeeyay Radio Gaalkacyo iyo Radio Daljir, isagoo dhanka kalena tababaray tiro Saxafiyiin ah.

Wariyaha ayaa dhawaan u istaagay in uu gacan ka gaysto dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, iyadoona uu ku biiray Ciidamada Puntland.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkiisa, hase yeeshee masuuliyiinta ayaa dilkiisa la xiriirinaya Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama, sababta ay u dileena ay tahay doorkiisa ku aaddan la dagaalanka lagula jiro cadowgaasi caadeystay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa falkaasi cambaareeyay, waxaana uu laamaha ammaanka faray inay gacanta ku soo dhigaan dembiile-yaasha.

Allaha u naxariistee Wariye Jamaal ayaa noqonaya Wariyihii ugu horeeyay ee sanadkan dalka lagu dilo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com