SAWIRRO: Saraakiisha Guutada 14-ka October oo la siinayo tababar la xiriira miinooyinka

Tababar la xiriira ka hortagga waxyeeleeda miinooyinka iyo kala fur furistooda ayaa shalay Magaalada Muqdisho looga bilaabay Saraakiisha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Tababarkan ayaa waxaa iska kaashaday oo bixinaya Saraakiil Soomaali ah iyo kuwa kale oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Yurub ee Somaliya, waana mid qayb ka ah taageerada Midowga Yurub uu siiyo Ciidanka Xoogga Dalka. Hawlgalka Midowga Yurub ayaa ah mid gacan ka gaysta tababarada Ciidamada Dowladda.

“Wa qayb muhiim ah oo aan laga doodi karin, oo ka mid ah taageerada Midowga Yurub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Hawlgalka Midowga Yurub.

Guutada 14-ka October ayaa la aasaasay wixii ka dambeeyay qaraxii boqolaalka qof ku dhinteen ee 14-kii bishii October ee sanadkii 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, waxayna u badan yihiin dhalinyaro waxbaratay.

Ciidankan oo saldhigoodu uu yahay Xerada General Gordon ee Magaalada Muqdisho ayaa 6-dii bishii Luulyo ee sanadkii 2018 waxaa tababarka u soo xiray Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya, Xasan Cali Khayre.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com