Masuuliyiin isbitaalka ku booqatay ninkii lagu hordilay Wariye Jamaal Faarax

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa xalay isbitaalka ku booqday nin rayid ah, oo la fadhiyay Wariye Jamaal Faarax Aadan, xilligii uu weerarka dhacayay, ninkan ayaana ku dhaawacmay weerarkaasi oo lagu dilay Wariyaha.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa Wariyaha ku dilay afaafka hore goob ganacsi, oo marxuumka uu ku lahaa agagaarka Xerada Siinaay ee Waqooyiga Gaalkacyo.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland, Korneyl Muumin Cabdi Shire ayaa magaca ninkan ku sheegay Dhagdheer Tarabi, mar uu xalay Warbaahinta la hadlayay. Taliyaha ayaa tilmaamay in Dhagdheer uu Wariyaha la fadhiyay afaafka hore dukaankaasi.

Qoraal ka soo baxay Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa lagu yiri “Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Gobolka Mudug, Xasan Cabdullaahi Warsame iyo Duqa Gaalkacyo, Maxamuud Cabdinuur ayaa booqday Isbitaalka Gaalkacyo, ka dib markii uu qof shacaba ku dhaawacmay weerar dabley hubeysan ku dileen Allaha u naxariistee Wariye Jamaal Faarax Aadan.”

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee qaybta Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka tacsiyeeyay geerida Wariyaha ayaa dhanka kale Wariyaha ku tilmaamay in uu ahaa mid geesi ah, oo ka gacan-siinayay dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

“Ilaahay ha u naxariisto Jamaal Faarax Aadan oo aan dhihi karo inuu ka mid ahaa haldoorada Gobolkan Mudug lahaa, waxa uu ahaa saaxiibkey, safka horena igula jiray la dagaalanka xoogan ee aynu ku hayno kooxda naflacaariga ah ee Shabaab, geesi aan runta ka baqin, bulshadana ka wacyigeliya dhagarta Khawaarijta, waxa uuna ahaa khabiir muddo dheer ku jiray mihnada Saxaafadda, marxalado adag oo uu dalkan soo marayna door wanagsan ka soo qaatay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiye Sanyare ayaa xusay in laamaha ammaanka ay wadaan baaritaano la xiriira kuwii ka dambeeyay falkaasi, ciddii ay ku cadaatana sharciga la horkeeni doono.

“Laamaha amnigu waxay wadaan baaritaano la xiriira dilka marxuum Jamaal, cid kastoo ku cadaatana sharcigay wajihi doontaa, Insha’Allah.” Ayuu yiri Sanyare oo warkan ku sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilka Wariyaha, balse waxaa si dhow loola xiriirinayaa maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Allaha u naxariistee Wariye Jamaal ayaa noqonaya Wariyihii ugu horeeyay ee sanadkan dalka lagu dilo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com