Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland ayaa cago-jiid ka muujiyay shirka wadatashiga, ee uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Khamiista lagu qabanayo Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Jubbaland dhiirigelinayso wadahadalada Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta, waqtina la siiyo.
“Dowlad Jubbaland waxay dhiirigelinaysaa, qabtaana in la tabantaabiyo, waqtina la siiyo wadahadalada u dhaxeeya Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay in Jubbaland diyaar u tahay ka qaybgalka shir lagu qabto goob amnigeeda lagu kalsoon yahay, kuna qotoma heshiiskii 17-kii September, 2020.
“Waxay sidoo kale diyaar u tahay ka qaybgalka shir ka dhaca meel amnigeeda lagu kalsoon yahay, gundhigiisuna yahay heshiiskii September 17.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Puntland ayaa iyana soo jeedisay in shirka wadatashiga lagu qabto Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, isla-markaana ay Qaramada Midoobey iyo AMISOM ka fileyso inay diyaariyaan goobta shirka iyo inay amnigiisaba suggaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa habeen hore iclaamiyay shir 4-ta bishan ka dhacaya Caasimadda Muqdisho, oo lagu dhameystirayo wadahadaladii la xiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka, ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com