Xanuunsidaha COVID-19 ayaa weli si weyn u gilgilaya Magaalada Muqdisho, iyadoona ay Muqdisho noqotay halka ugu badan ee xaaladaha xanuunka laga diiwaangeliyo.
Afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay waxaa xanuunka laga baaray dalka oo dhan 1,323 qof, waxaana laga helay 209 qof, sida ku cad warbixinta maalinlaha ee Wasaaradda Caafimaadka.
Warbixinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in 181 xaaladood laga diiwaangeliyay Gobolka Banaadir, halka 28 kiis laga diiwaangeliyay Somaliland.

Dadka xanuunka laga helay 140 ka mid ah waa rag, iyadoo 69 kalena ay haween yihiin, waxaana xanuunka ka bogsaday 21 qof.
Dalka ayaa laga diiwaangeliyay xaaladihii ugu badnaa ee dhimasho ah maalin qura, iyadoona 11 qof ay xanuunka ugu geeriyootay Isbitaal Martini ee Magaalada Muqdisho.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in tirada guud xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay ay tahay 7,727 xaaladood, 3,867 qof ayaa bogsaday, halka 260 qof-na ay xanuunka u geeriyootay.
Somaliya ayaa wajaheysa wareegga 2aad ee xanuunka COVID-19, kaasoo sida muuqataba ka baaxad weyn kii hore ee dalka ka dilaacay sanadkii 2020.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com