Maamulka Puntland ayaa soo jeediyay in shirka wadatashiga qaran lagu qabto Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa walaac looga muujiyay, iyadoo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markasta soo saaro qoraalo.

Qoraalka Madaxtooyada Puntland ayaa u qornaa:-
Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay walaac ka muujinaysaa in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markasta soo saarayo qoraalo, qaadayana tilaabooyin carqaladeynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geed-socodka qabsoomidda doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Puntland waxay u aragtaa dadaalada ay wadaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta kuwo u gogol xaaraya jawi ay ku qabsoomi karaan shirar looga wada hadlo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay.
Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay cadeynaysaa inay markasta diyaar u tahay ka qaybgalka shirarka xalka loogu raadinayo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay oo ku qotonta heshiiskii 17 September 2020.
Dowladda Puntland waxay soo jeedinaysaa in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu, waxayna ka filaysaa Xafiiska Qaramada Midowbay iyo AMISOM inay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka. Dowladda Puntland waxay Wakiilada Beesha Caalamka uga mahad celinaysaa dadaalada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com