Wiil da’ yar oo lagu dilay Magaalada Beledweyne

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in xalay lagu dilay magaaladaasi wiil yar, ka dib markii ay wadada u gashay koox burcad ah.

Wiilkan oo dhawr iyo toban jir ahaa, laguna magacaabi jiray Cabdishakuur Maxamed Beyle ayaa waxaa xaafadda Xaawo Taako dilka ugu gaystay koox toorey ku hubeysneyd.

Wararka ayaa sheegaya in kooxdaasi oo burcad ahayd ay u socotay inay ka dhacaan teleefankiisii gacanta, oo markii ay tooreyda ku dhufteena, ay horey uga sii qaateen.

Cabdishakuur Maxamed ayaa goor dambe u geeriyooday dhaawac halis ahaa, oo tooreydii lala dhacay ka soo gaaray.

Dadka degan xaafadda Xaawo Taako, gaar ahaan Laanta Dhagax-jebis ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in kooxdii dilka gaysatay ka baxsatay goobtaasi, ka hor intii aysan soo gaarin Ciidamada Booliska.

Magaalooyinka dalka waxaa xilliyada habeenkii dadka ku baarta kooxo burcad ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmal.com