Xukuumadda Somaliya ayaa aqbashay in Midowga Musharaxiinta ay maalinta Sabtida bannaanbaxa ku qabtaan Taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere.
Xukuumadda oo tixgelinaysa geedi-socodka dimoqraadiyadda, qabsoomidda doorashooyinka iyo ilaalinta heshiisyadii mucaaradka waxaa ay ogolaatay soo jeedintii Midowga Musharaxiinta ee ahaa in bannaanbaxa ku qabtaan Taalada Daljirka Dahsoon.
Akhriso:- Warsaxaafadeedka Xukuumadda

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com