Israel iyo Maxkamadda Adduunka oo qoorta iskula jira

Dacwad Oogaha Guud ee Maxkamadda Dembiyada Caalamiga (ICC) ayaa sheegtay inay bilaabeyso baaritaanka dembiyo dagaal oo la sheegay inay ka dhaceen dhulka Falastiiniyiinta.

Fatou Bensouda ayaa sheegtay in baaritaankiisa uu khuseeyo falal ka dhacay Daanta Galbeed, Bariga Qudus iyo Gaza, laga soo bilaabo 13-kii bishii June ee sanadkii 2015.

Maxkamadda ICC ayaa awood u leh inay dacwad ku soo oogto cidda ku eedeysan xasuuq iyo dembiyo laga galo bani’aadanimada ee ka dhaca dhulka wadamada xubnaha ka ah, isla-markaana saxiixay heshiiskii Roma ee lagu dhisay Maxkamadda.

Ra’iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa go’aanka Fatou Bensouda ku tilmaamay naceyb ka dhan ah Yahuudda, isagoo dhanka kalena sheegay in dalkiisa weerar lagu soo qaaday.

“Go’aanka Maxkamadda Caalamiga ee ku gaartay inay bilowday baaritaano lid ku ah Israel, oo khuseeya dembiyo dagaal waa wax lala yaabo, waa Yahuud naceyb iyo munaafaqnimo. Awood sharci iyadoo aanu u lahayn ayay go’aan ku gaartay inay askartayada geesiyaasha ah, ee markasta ka feejigan inay dadka rayidka ah waxyeelaan, marka ay la dagaalamayaan argagixisada ugu xun dunida, ee iyagu shacabka tooska u beegsada ayay haddana askartayada ku tilmaamtay dembiile-yaal dagaal.” Ayuu yiri Benjamin Netanyahu.

Waxa kaloo uu yiri “Dhulkii Alle noo ballanqaaday markaanu dowlad ka dhisanay ee Qudus-na caasimad noo noqotay oo saddex kun oo sano ka hor-na noo ahayd ayay arrintaa ku tilmaameysaa dembiyo dagaal.

Netanyahu ayaa yiri “Maxkamadda loo aasaasay inay ka hortagto inay mar labaad dhacaan dembiyadii foosha xumaa ee Naasiyiintu kula kaceen dadka Yahuudda ayay haatan iyadii war-mahaydii kula soo jeedsatay dalka keliya ee dad Yahuudiya leeyihiin.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com